Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Xaruntii Hore ee maamulka Gobolka Banaadir Ee Visha Governo Degmada X/weyne Ee Gobolka Banaadir
Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xubna ka tirsan labada gole ee dowlad, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo marti sharaf kale ayaa dhagaxdhigay dhismaha Xafiiskii maamulka Gobolka Banaadir ee loo yaqaano visha Governo halkaasi oo ka mid eheyd goobihii uu saameeyay Burburkii ka dhacay dalka.
Xubnaha la socday madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirada arrimaha gudaha iyo Federaalka, ku xigeenkiisa, kan Gaashaandhiga,xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo guddoomiyeyaasha 17-degmo ee caasimada, iyadoo mas’uuliyiintaasi ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin furista mashruuca dib u dhiska xaruntaasi.
Ugu horeyntii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa magalada Muqdisho oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in la tashiyo kaddib la isku afgartay in dhismahaasi sidiisa dib loogu dayactiro.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa mahadnaq balaaran u jeediyay Howlwadeenada Gobolka Banaadir, isagoo si gaar ah amaan buuxda Madaxweynaha Hortiisa uga Jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay howsha baaxada leh ee uu wado.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi ka sheegay in dib u dhiska Xaruntii gobolka Banaadir ay tahay astaantii iyo taariikhdii Soomaaliya oo soo noqotay, isagoo dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska wadanka si loo soo celiyo heykal dowladnimo.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA MUNAASABADA
Idale News Online, Muqdisho.