Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu shirkii Golaha Guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey iyo shirar kale uga qeyb galay magaalada New York.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale
Inkastoo Madaxweynaha aanu khudbad ka jeedin fadhiga golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa hadana waxaa maalinta berri oo jimcaha Khudbadaas jeedin doona Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo gaaray New York.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ku qoran yahay jadwalka Khudbadaha, halka Madaxweynaha uu ka qeyb gal ahaa furitaankii shirka 70aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana tallaabadan sameeya qaar ka mid ah Madaxda caalamka.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa berri oo jimco ah khudbada uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumarka ay dowladda sameysay ka hor jeedin doona Fadhiga Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada New York waxaa uu ka qeyb galay shir looga hadlayay Argagixisada iyo la dagaalanka Daacish oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Mareykanka Obama, shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay wada guddoominayeen isaga iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo kulan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.
Idale News Online, Muqdisho