Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Prof Gaandi oo dadaal ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen taageerada Kenya+ Sawiro

0
190

Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Kenya ayaa waxaa uu dhexmaray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyanta iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland Abdirahmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar Abdirashiid iyo xildhibaan Prof. Maxamed Abdi Gaandi.

Kenya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka iyo Gedo  ayaa lagu xantaa ineysan dhexdhexaad ka aheyn arrimaha ka socda jubooyinka hase ahaatee shirkii AU ee lagu qabtey Addis Ababa sheegtey ayaa dowlada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo kulan gaar ah yeeshey go’aamiyeen in dowlada Soomaaliya fidiso gogol dib u heshiisiineed oo loo qabto dhinacyada siyaasada ee Jubooyinka ku hardamaaya.

Sida warar hordhac ah sheegayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaata uga warbixiyey ismaandhaafka maamulkooda iyo dowlada federaalka Soomaaliya sida in isbedel lagu sameeyey Dastuurka cusub ee Somalia ku soo heshiisey, iyo taageerida Puntland ee Maamul Goboleedka Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ee  Jubbaland state.

 

 

 Idale News Online, Nairobi, Kenya