Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole oo si kulul u weeraray C/wali Cali Gaas

0
205
[audio:http://www.puntlandpost.com/pp/wp-content/uploads/2013/12/Farole-oo-weeraray-Gaas.mp3|autostart=yes]

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdi-Raxmaan Farole ayaa  waxa uu dhaleecayn kulul u soo jeediyay Murashax Cabdiwali  Gaas oo mar soo noqday ra’iisulwasaare Soomaaliyeed,wuxuna ku tilmaamay inuu yahay shaqsi beenlow ah oo ku faanaya wuxuusan qaban

Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed ayaa ku tilmaamay Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali Gaas inuu lugaayo iyo dhibaato uu ka dhex aloosay shacabka Puntland isla markasna uu qayb ka qaatay isku dirka isimadda Puntland.

”Maalin dhawayd nin-baan ka dhagaystay idaacad  xayaysiis u samaynaaya oo been sheegaya.nin wayni inuu been sheego waa ka xaaraan waxa uu ahaa ninkaasi nimaan anigu ugu wacnaa inuu xafiis dowladnimo ah oo xafiiskii Somalia kii ku xigay aan geeyao,shaqo dowladnimo hal sano ayuu qabtay,intii uu gacan na siin lahaa lugeeyo mooyee waxba nama tarin,dastuurkii buu nagu dayacay ,wixii xaq aanu u lahayn wuu noo diiday,dadkii ayuu kala qaybshay,Isimadii ayuu isku diray dowlad-nimadii magacaan ku lahayn buu xumeeyay,annagana talo waa naga maqli waayay,maalin dhawaydna waxa uu sheegtay been inuu isagu Puntland Burcad badeed ka sifeeyay,wuxuna ku sheegay Burcad badeed”.Sidaa Farole ayaa yiri.

Madaxwayanah Dowladda Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole isla markasna ah murashax u taagan xilka madaxtinimadda ayaa Gaas ku tilmaamay shaqsi aan doonayn inuu Puntland hormar gaarsiiyo inuu kala dhantaalo mooyaane umadda Puntland.

”Macalin buu ahaa Jeesto wax ku dhiga waan qabaa maadadaas dhaqaalaha inuu yaqaan laakiin macalinimadiisii intuu ka tagay buu wuxuusan shaqo ku lahayn doonanayaa,wuxuu aflagaadeeyay Puntland,wuxuu aflagaadeeyay oo meel kaga dhacay ciidanka Amniga,wuxuu aflagaadeeyay Odayaasha dhaqanka,wuxuu aflagaadeeyay beelaha Sool iyo Sanaag intaa Nin isku darsaday Puntland ma dooran kartaa”.

Ugu danbayntii Farole ayaa u gabyay Murashax Gaas wuxuna soo qaatay Gabay uu tiriyay allaha u naxariistee Sayid Maxamed Cabdilahi Xasan oo uu ula jeedo Gaas inuu yahay Shaqsi xun wuxuna yiri”Wax baan garin anoo gol iyo cayn jooga oo baddii Garacad baan gudub u wayraadin oo ragga Eyl ku gaardinahayaan guudka kaga keenin,godka lagu cadaabyoow muxuu go’oo been sheegay,meeshaan waa loo siman yahay cid kasta oo wax isku haysaa way u tartami kartaa laakiin waa inay anshax iyo adaabta ku sugnaato haddii kale waa la iska daba qaadan oo waxbaa la iska sheegin”.

Hadalka madaxwaynaha Puntland Farole ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili murashaxiinta Puntland ay wadaan shirar ka dhan ah guddiga xalinta khilaafaadka ee uu dhowaan ku dhawaaqay.

PuntlandFarole

Xigasho: PuntlandPost