Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya & Wefdigiisi Oo Gaarey Baydhabo

0
261

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowlada koonfur galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi Wasiiro maamulkiisa ah oo muddooyinkan dambe safar shaqo ku kala bixiyay dalka Ethiopia iyo magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

xildhShariifXasan

Mas’uuliyiintii wafdiga Madaxweyanaha ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed, maamulka gobolka Bay,saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne oo ku nool magaaladaasi.

Qaar kamid ah Haweenkii soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goobta ku soo bandhigay ciyaaro dhaqameed lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa ugu mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen,waxaana uu sheegay in safarkii uu magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Ethiopia uu ku tagay uu ahaa mid laga gaaray u jeedadii laga halaa.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa intaa ku daray in Madaxda Is maamulka Ethiopia ay kala hadleen sidii iskaashi uu u dhex mari lahaa maamulka Koonfur galbeed iyo kan dowlad deegaanka isla markaana ay is afgarad ku soo dhamaaday.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here