Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay weerarkii Jaamacadda Gaarisa

0
196

Garisa(INO)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta jaamacadda Garissa ee Garissa University College ayaa waxaa uu warbixin soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

“Waxaan ka xumahay in qarankeena uu maanta halis galay, Argagixiso ayaa weerartay Jaamacadda Garissa, kuwaas oo geystay dilal iyo dhaawacyo ,sidoo kalena afduub u heysta dad badan”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in khasaaraha weerarkan oo faah faahsan ay ka sugayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska, isagoo xusay in si gooni ah ay arrintan ugu xil saaran yahay Taliyaha Booliska Gaarisa

“Anigoo matalaya dowladdeyda waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska dadkii lagu laayay weerarkan,waxaan sii wadi doonnaa inaan u murrugoonno,waxaan u rajeynayaa in deg deg ah ay caafimaad u hellaan kuwa dhaawacan sidookale dadka afduubka loo heysto  waxaan jeclaan lahaa in ay samata baxaan oo aan arko iyagoo nabad qaba”ayuu yiri Madaxweyne Uhur Kenyatta.

Waxaan u hubinayaa shacabka Kenya in dowladdeydu ay qaadatay tillaabo kasta oo nooga aadan xaaladda ka jirta Garissa,shaqo adag ayaan ku jirnaa,waaxaana ugu baaqayaa shacabka in ay degganaan muujiyaan,waxaan ku guda jirnaa xallinta dhacdadan.

Waxaa muhiim ah in ciidanka iyo dadweynaha ay ka wada shaqeeyaan soo celinta iyo ilaallinta nabadda,cid waliba oo warbixin la xiriirtan weerarkan war ka hesha fadalan ha u soo sheegto booliiska.

Feejignaan tii ugu dambeysay ayuu dalka ku jiraa,waaan ka guulleysan doonaa cadawgeena waliba waqti dhaw.

Waxaan ku amray taliyaha booliiska dalka in uu qaado tillaabo deg deg ah oo la xiriirta weerarkan ka dhacay xarunta gobolka waqooyi bari ee Garissa,howshaas ayuuna wadaa hadda.

Kenya waxay u baahan tahay ciidamo dheeraad ah si loo sugo amniga guud ahaan dalka, dhibaatooyinka la xiriira in dad dhacab ah la dilo oo la afduubo marar badan ayaan horray ugu dhibaatoonay,shacabkeennu ma sugi karaan waqti kale oo dhibaato ah.

Ka dowlad ahaan mas’uuliyadda annagaa leh,haddana wax waliba oo karaankeena ah ayaan sameyn doonaa si qof waliba uu nabad iyo xassilooni ugu noolaado.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here