Madaxweynaha Kenya Oo Arimaha Soomaaliya Kala Hadlaya Madaxda Wadamo Uu Booqanayo.

0
168

Kenya: Madaxweynaha dalka Kenya ayaa maanta ka duulaya dalka Kenya si uu labo todobaad uu ugu maqnaado safaro dalkaasi dibadiisa ah, isagoo madaxda uu lasoo kulmayo kala hadlaya arimaha Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal xafiiskiisa kasoo baxay.

Manoah Esipisu, oo ah afhayeenka madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu tagi doono dalka Belgium isagoo halkaasi kaga qeyb galaya kulan caalami ah.

“Wadamada Africa waxay u midoobeen hergelinta dowlad wanaaga, iyadoo dastuurka la marayo, dhexdhexaadnimo, la xisaabtan iyo ka qeyb qaadashada dimuqraadiyada”sidaasi ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa madaxda uu la kulmayo waxaa la qorsheynayaa inuu kala hadlo amaanka dalalka Soomaaliya, koofurta Sudan, the Central African Republic, Egypt, Madagascar iyo Mali.
“Labad galyada Soomaaliya iyo Koofurta Sudan waxay tahay muhiimada dhaqaale iyo amaanka ee dalka Kenya, iyadoo qaxootiga loo ogolaanayo inay dalalkooda ku laabtaan, ayna dib u dhistaan dalkooda iyo guryahooda”ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha.

Ugu dambeyn Todobaadka dambe ayaa madaxweynaha Kenya la qorsheynayaa inuu ka qeyb galo 20 sano guuradii kasoo wareegatay xasuuqii Rwanda ee sanadkii 1994, iyadoo uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaasi Paul Kagame.

Uhuro Kenyatta

Idale News Online,kenya.