Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xariga ka jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba, kaasoo laga hirgeliyay duleedka magaalada Kismaayo.
Maxjarkan oo leh baarista caafimaadka xoolaha ayaa noqon doona maxjarka ugu weyn ee Soomaaliya, ugana tayada sareeyay.
Dhismaha Maxjarka ayaa waxaa gacan ka geystay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Carbeed, waxaana qorshuhu yahay in lagu xanaaneeyo xoolaha loo dhoofiyo dalka dibadiisa.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay hirgelinta maxjarkan, waxaana uu xusay inay muhiim u tahay dadka iyo deegaanka.
Waxaa uu ugu baaqay Maamulka Maxjarka iyo Wasaaradda xanaanada Xoolaha Jubbaland inay ku dadaalaan badqabka xoolaha
Soomaaliya ayaa ku caan ah dhaqashada xoolaha , waxaana sanad walba dalka dibadiisa loo dhoofiyaa kumanaan xoolo ah oo laga dhoofiyo dekedaha ku yaala gobolada dalka.