Muqdisho(INO)-Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Shieikh Axmed ay doonayaan in Khilaafka u dhexaaya si hoose loo xaliyo islamarkaana Ra’iisul Wasaarahu uu ku baxo si Nabad Galyo ah oo aan Mooshin aheyn,si looga gudbo Khilaafka saameeyay Howlihii Dowladda.
Wadahadalka Arrintaas ayaa waxaa Garwadeen ka ah Madaxweynaha Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo maalmo ka hor Magaalada Muqdisho yimid.
Mas’uulyiin ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweynah iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay Jiritaanka Wararka sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si hoose Arrinta ku dhameeysanayaan, si Kurisga uu u baneeyo C/wali Sheikh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Xalay ayaa Madaxtooyada Soomaaliya Kulan Xili danbe la isla gaaray waxaa wada qaatay Xasan Sheikh Maxamuud iyo C/sheikh Axmed,inkastoo Kulanka uu qabyo yahay oo markale ay Kulmayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa sidoo kale la Kulmay Xildhibanada ka soo horjeeda Mooshinka Ra’iisul Wasaaraha,waxaana uu kala hadlay in Khilaafka kala dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha la dhameeyn doono islamarkaana ay joojiyaan Buuqa iyo Fowdada Baarlamaanka.
Dhanka kale Xildhibaanada Madaxweynaha ku Fikirkaa ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu lumiyay Kalsoonidii kala dhexeysay Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo inta badan wasiirada Xukumadiisa,sidaa daraadeedna ay Farayaan in uu iscasilo inta aan la gaarin Axada Soosocota oo Baarlamanka ay u balan san yihiin in Cod loo qaado Xukumadda.
Idale News Online, Muqdisho