Madaxweynaha Dowlada KGS iyo Wefidi Uu Hogaaminayo Oo Ku Wajahan Dalka Qatar

0
217

Muqdisho(INO)- Sida Ilo Xog Ogaal ahi  ay u xaqiijiyeen Warbahinta Idale News Online Waxaa lagu wada in Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde Madaxweynaha ay ka dhoofaan Madaxweynaha  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan  iyo Wefdi uu hoggaaminaayo oo Uu ku jiro Wasiirka Xanaanada Xoolaha Ee Dowlada KGS Madoobe Nuunow Maxamed.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa safarkiisu ku wajahan yahay dalka Qatar ee Khaliijka Carabta, Madaxweynahu waxaana uu casumaad rasmi ah ka heley Madaxda Dowlada Qatar.

Madaxweynaha Dowlada KGS  ayaa la kulmi doona madaxda dalka Qatar waxaana uu kala hadlaaya guud ahaan xaaladda  ee  Soomaaliya, gaar ahaan dano ku saabsan Maamulkiisa . Dowlada Qatar ayaa soomaaliya ka wada mashaacriic hormarineed.

Safarada Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah kuwo aad u tiro badan, iyada oo horey dadku isu weydiin jireen Madaxdii kumeel-gaarka ahayd ee safarkoodu badnaa oo isagu qiib ka ahaa xilligi uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya , waxaana dadka qaarkiis ku doodaan in safarada Madaxweynuhu ay yihiin kuwo muhim ah maadaama u shaqooyin kala geddisan isku haayo.

Inta uu ku sugan yahay  dalka qatar waxa uu la kulmi doonaa jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar.

Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dooneysa in laga caawiyo dhanka maamul wanaaga iyo weliba la dagaalka ururka Al-shabaab oo dagaal adag kula jira Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya.

Idae News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here