Baydhabo(INO)-Wariyaha Shabakada Idale News Online Ee Magaalada Baydhabo Janaay Cabdinuur Mayow Cali ayaa soo sheegaya Madaxweynaha maamulka 3-gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya uu maanta booqday cisbitaalka weyn ee Baydhabo halkaasi ay ku jiraan dad kusoo dhaawacmay weerarkii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Jimcihii magaaladaasi.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu gacan qaaday dhawacyadii halkaasi la geeyey waxana uu dowladda Soomaliya ka codsaday in ay dawo lasoo gaarto dadkaasi.
Ugu Dambeyntii, Bukaanadii qaar ee kujiray Isbitaalkaasi ayaa u dhintay dhaawacii kasoo gaaray qaraxyadii Jimcaha.
Fillo Sawiro, Codad iyo VIDEO
Idale News Online, Baydhabo