Madaxweyne Shariif Xasan Iyo Axmed Madoobe Oo Maanta Ku Kulmaya Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

0
219

Muqdisho(INO)- Wararka Saakan naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay  maanta ku kulmayaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Madoobe-iyo-Shariif

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in in Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay maanta Galinka hore kulmayaan garooonka diyaaradaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay ka wada hadli doonaan arimo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagnaa dhawaanahan labada maamul iyo shirka dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii, Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa iminka ku sugan magaalada Kismaayo halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu saacado ka hor soo gaaray magaalada Nairobi isagoo kasoo kicitimay dalka Imaaraadka.

Warkan wixii ka soo kordho kala Soco Wararkeeyaga Dambe

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here