Madaxda ugu sareyso maamulka K/Galbeed Somalia iyo Salaadiinta dhaqanka ayaa maalmahan si joogto ah u yeelanayey kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayo dhameystirka maamulka K/Galbeed Somalia. Odeyaasha dhaqanka oo ka kala yimid gobolada uu ka kooban yahay maamulkani oo kala ah gobolada Bay, Sh/hoose iyo Bakool ayaa la sheegayaa inay dowr weyn ku yeelanayaan dhismaha golaha wasiirada maamulka K/Galbeed ee 3da gobol.
Madaxweyne Maxamed C/Nuur Maader iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Xasan Fiqi ayaa si weyn ugu howlan soo dhisitaanka golaha wasiirada oo lagu wado in maalmaha soo socdo la magacaabo. Odeyaasha dhaqanka ayaa talooyin ku saabsan dhismaha golaha wasiirada siinayo madaxda maamulka K/Galbeed Somalia.
Magaalada Baydhabo waxaa ka jiro labo maamul oo aragti ahaan aad u kala fog, mid walbo oo labada maamul ka tirsan wuxuu sheeganayaa inuu isaga si sax u matalo bulshada K/galbeed Somalia.