Madaxda IGAD oo ku baaqay in la kordhiyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab

0
168

Muqdisho (INO) — Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee isugu yimid Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka Xarakada Al Shabaab.

IGAD ayaa ka dalbatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay kordhiyaan howlgallada ay ku wiiqayaan awooda Xarakada Al Shabaab.

Madaxda IGAD ee shirka ku yeeshay Caasimada Soomaaliya ayaa ku taliyay in Al Shabaab laga saaro Degaanada ay kaga sugan yihiin Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay howlgalka AMISOM in ay si wanaagsan u xaqiijiyaan amaanka goobaha doorashooyinka Dalka.

Waxaa IGAD ay shaacisay in Al Shabaab ay qorsheenayaan Weeraro ka dhan ah goobaha la doonayo in lagu qabto doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Madaxda Ururka Goboleedka IGAD ayaa ugu dambeyn si kulul u cambeereeyay Weerarada Xarakada Al Shabaab ay ku beegsadaan Xarumaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.