Aydoo bilooyinkaanba Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed ay
Cabasho ka muujinayeen faragelinta dowlada muqdisho ayaa
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow iyo
Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan iyo
Gudoomiyeyaasha Gollaha Guurtida waxay markale ugu baaqeen
dowlad Xasan Sheekh in joojiso faragelinta ay kawado Magaalada
Baydhabo Janaay.
Waxaan ugu baaqeenaa dowlada iyo shakhsiyaadka ay
adeegsanayso ee ku caanbaxay qaska inay joojiyaan faragelinta ay
ka wadaan magaalada Baydhabo, ayna tixgeliyaan rabitaanka
shacabka Koonfur Galbeed.
Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ugu baaqaynaa beesha
caalamka inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Soomaaliya,
aysan dhinacna u xaglin si ay u helaan dhammaan kalsoonida
umada Soomaaliyeed, rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo
keliyana u hiiliyaan.
Waxaa kale oo Qurbajooga Koonfur Galbeed ugu baaqaynaa inay
rabitaankooda siyaasadeed ku muujiyaan Bannaabaxyo iyagoo
caalamka tusaya xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta guda Soomaaliy
Idale News Online, Baydhaba Janaay.