Gudoomiyaha isbaheysiga Nabada Soomaaliyed C/llaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan siyaasada guud ee dalka, isagoo ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in aysan waxba ka heyn waxyaabihii loo igmaday.
Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Hey’adaha ammaanka dowladda ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaga ammaanka ah.
Halkaan ka dhageyso Wareysiga C/hi Sheekh Xasan oo si kulul u dhaliilay dowlada dhexe gaar ahaan hay’adaha amniga dalka: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/C_hiSheekhXasan.mp3]
“Isbaheysiga Nabadu wuxuu aad uga walaacsan yahay xaaladaha murugsan ee kajira goboladi laga xoreeyay Al-Shabab; amni darada ka jirta caasimada dalka ee Muqdisho iyo jidadka sida macno darada looga xiray”ayuu yiri Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada C/llaahi Sheekh Xasan.
![](http://jowhar.com/images/news/spdu_1.jpg)
![](http://jowhar.com/images/news/spdu_2.jpg)
![](http://jowhar.com/images/news/spdu_3.jpg)
“Karti darada siyasadeed ee hogaanka sare ee dowladda Federalka ah, waxaa manta ka socda goboladi koobnaa ee laga xoreeyay Al-Shabab dagaal beeleedyo ay qaar dowladu dabada ka riixeyso halki ay maamul u dhisi laheyd waxey dowladu ka door biday iney abaabusho dagaal beeleedyo iyadoo dhinac iska dhigtay iney la dagaalanto uruka Al-Shabab oo xilligan u muuqda mid dib isusoo uruursanaya, weliba waxa shaki badani ka jiraa ujeedada xilalka looga qaaday saraakiishi hogaamineysay ciidamadi dalka ka xoreeyay Al-Shabab marka laga tago in madaxda dowladu ku andocoodeen “waxaa loo baahan yahay dhiig cusub”
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Isbaheysigiisa uu ka soo horjeedo heshiiskii Ankara, isla markaana aanu u cuntami karin dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay lumisay kalsoonida shacabka, waxaana uu soo qaatay heshiiskii koontaroolka iyo maamulka hawada inuu ahaa mid aan la aqbali karin in laga maamulo Hargeysa.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhibaatooyin ay shacabka ku qabaan qaar ka mid ah wadooyinka, waxaana uu sheegay in wadooyinka Muqdisho lagu gooyay dhagxaan, isla markaana ciidamada dowladda ay dadka weydiiyaan kaarar aqoonsi.
“Waxaa nasiib daro ah in wadooyinka lagu gooyay dhagxaanta ee shacabka ay ku qabaan dhibaato, waxaa dhacda in ciidamada dowladda ay weydiiyaan dadka isticmaala wadooyinka ID Card, waxay aheyd marka qofka hey’adaha dowladda marka uu tagayo la weydiiyo, laakiin ma ahan Labada Milyan ee Muqdisho ku sugan in aysan dowladda u wada shaqeyn, sidaas darteed aysan heli karin ID Card ama kaararka aqoonsiga”ayuu yiri.
Dhinaca kale siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Kenya inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya, isla markaana ku ekaadaan arrimahooda, isagoo cadeeyay in arrinta Soomaaliya ay u taalo Soomaalida dhexdeeda.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya marka ay ka soo laabtaan fasaxa inay si adag ula xisaabtamaan hey’adaha Fulinta iyo tan Garsoorka, lagana badbaadiyo dalka inay ka dhacdo xaalad la mid ah tan ka socota dalka Masar.
Idale News Online, Mogadishu, Somalia