Gudoomiyaha Jaaliyada Digil & Mirifle ee dalka Australia mudane Aweys Muhiyadiin Amiin ayaa shalay kulan ballaaraan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan magaalada Baydhabo, kulankaas oo lagaga hadlay dhinacyada horumarinta, nabadgelyada, dhismaha maamulka goboleedka Koonfur Galbeed Somalia, kaalinta qurbo joogta iyo weliba wax-qabadka dowlada Federaalka Soomaaliya ka geysato gobollada Koonfur Galbeed Somalia, gaar ahaan magaalada Baydhabo.
Odayaasha iyo Aqoonyahanadii ka hadlay Goobta oo isugu jiray Beelaha kala duwan ee wada dega Gobolada Shabeelaha Hoose, Jubooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool ayaa muujiyay In xasiloonida iyo midnimada dadka ku wada nool goboladaas ay kaalin muhiim ah u tahay meelmariinta rabitaanka ummada ku dhaqan gobolada Koonfur Galbeed iyo u madaxbaneynta aayo ka talintooda, sida uu qabo dastuurka qabyada ah ee dowlada Federaalka Somaliya.
Kulanka oo sida lagu soo warramay ahaa mid ka mid ah kulamadii wadatashiga ee masuul ka socda Jaaliyadaha dibada isla markaasna gobolka ka soo jeedaa la yeesho Odayaasha dhaqanka ee goboladaas, waxa ku weheliyey aqoonyahano iyo waxgarad kale oo iyagu ka kala yimid dalka dibadiisa iyo q waxgaradka iyo masuuliyiinta kale oo horey gobolka ugu sugnaa.
Aweys Sheekh Muxiyadiin oo magaalada Baydhabo soo gaaray dhowaan oo kulanka odayayaasha iyo qurbo joogta dhex marey ka hadlay, ayaa ugu horeyn oday-dhaqameedka u iftiimiyey sida uu u arko dhismaha maamul guud ay ku mideysan yihiin gobollada Koonfur Galbeed Soomaliya Waxayna ugu dambeyntii Waxgaradkii iyo oday-dhaqameedyadu soo jeediyeen baaq iyo talo soo jeedin ku aadan wax wada qabsiga beelaha lixda Gobol ee ku midoobay dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed.
- In loo Arko cid-walba oo carqaladeyneysa dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee dhismahiisu ka socda Baydhabo kuwa duulaan ku ah dhamaan lixda gobol oo doonaya dib u dhaca goboladaas iyo baaba’ umadda goboladaasi ku nool, isla markaan si wadajir ah meel looga soo wada jeesto.
- In dadka ku abtirsada goboladaas lixda ah reer Reer koonfur galbeed ay is cafiyaan isla markaasna iska ilaaliyaan qorshaha cadowga ee ah qeybi oo xukun iyo in ay wax la qeybsadaan ayagoo mideysan dhamaan maamulada goboleeyada hore u dhisnaa iyo kuwa hadda dhismaaya iyo guud ahaan Gobolada kale ee dalka oo lagu saleynayo nidaamka ismaamul goboleedyda ku dhisan habka federaaliga ee dastuurka dalku qeexaayo.
- Waxay ugu dambeyntii Qurba joogta iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Koonfur galbeed in ay kaalin muuqda ka geystaa gobolada ay ka so ojeedaan si la mid ah jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed haddey noqon lahayd gogosha shirka Baydhabo, horumarinta adeegyada goboladaas u baahan yihiin.
Idale News Online, Baydhabo.