Madaafiic goor dhaw ku dhacday Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde

0
191

Muqdisho(INO)- Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada ayaa sheegaya in goor dhaw Tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Madaafiicdaan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa Labo Madfac ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhaceen dhismooyin u dhaw Dhabarka dambe ee Jaamacada Muqdisho qaybta ku taalo Agagaarka Garoonka, iyadoo dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay.

Wararka waxa ay tilmaamayaan in mid ka mid ah Madaafiicda uu ku dhacay Goob ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkaasi shacabka ah.

Qof ku sugan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa Dhacdo.com u sheegay in qal qal xoogan ay dareemeen madaafiicda markii ay ku dhaceen Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Maalintii Talaadada ayeey aheyd markii dhowr Madaafiic ah ay ku dhaceen Nawaaxiga Madaxtooyada Somaliya, gaar ahaan Agagaarka Iskuul 15-May oo dhabarka dambe ee Madaxtooyada ku yaalo.

Madaafiicdaan lagu tuuray Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, ayaanan la garaneyn rasmi ahaan halka laga soo tuuray, waxayna arintaan ku soo aadeysaa, iyadoo dhawaan Muqdisho lagu qaban rabo Shir Madaxeedka IGAD.