Maamulka magaalada Cadaado ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in ay gacanta ku hayaan 18 carruur ah, oo 17 ka mid ah ay gabdho yihiin, kuwaasi oo sida ay sheegeen dadkii waday loo safrinayay dhanka Boosaso kaddibna la doonayay in loo tahriibiyo dalka Sucuudi Carabiya.
Wasiirka oo arrimaha bulshadda maamulka Ximin iyo Xeeb, Cumar Maxamed Diiriye oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen gaari Hoomeey ah oo carruuntan looga keenay gobollada Koofureed Galbeed soomaaliyab, waxaana uu intaa raaciyay in baaritaano arrintaasi la xariirto ay wadaan ciidamada ammaanka.
Wuxuu kaloo sheegay in sidoo kale ay gacanta ku hayaan ilaa afar qof oo lagu tuhunsan yahay in ay carruurtani tahriibinayeen.
Carruurta ayaa waxaa lagu hayaa guriga hooyooyinka ee magaalada Cadaado, halka dadkii watay carruurtaasi loo taxaabay xasbiga, islamarkaana lagu hayo baaritaanno dheeraad ah.
Ma ahan markii ugu horreysay oo la qabto carruur yer yer oo loo waday Sacuudiga lagu qabto gobalada dhexe.
Maxay kula tahay?
Idale News Online, Cadoodo