Maamulka Soomaaliland ayaa si deg deg ah ugu yeeray u qaabilsanaha QM Arrimaha Soomaaliya Ambaasador Nikoles Kay in uu soo gaaro Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Max’ed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Nikoles Kay aysan kala hadli doonin Arrimaha Siyaasada islamarkaana ay wax ka weydiin doonaan Arrimaha Gargaarka sidii QM ay Dadka ku nool Soomaaliland ay Gargaar u gaarsiin lahayd.
Maxamed Biixi Yoonis wasiirka Amuraha Dibada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Soomaaliland ay ku sugan yihiin Dad badan oo Tabaaleysan,kuwaas oo loo baahan yahay in Gargaag loo fidiyo.
Idale News Online,Hargeysa.