Muqdisho: Maamul goboleedka Puntland ayaa qor sheynaya in ay isku dayaan si ay ku hor istagaan wada hadalka u furmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Md Madoobe Nuunow Maxamed, mar ay leeb iyo qaansada kala baxeen ayuu lasoo booday Gaas in uu taageersan yahay maamulka gacan ku rimiska ah uu horjoogaha ka yahay Shariif xasan kii shacabka deegaanada Koonfur Galbeed ee sanad iyo sedax bilood loo fadhiyayna uu iska hindhosaabayo taas ay ula jeedaan si uu usii joogo maamulka Juba uu gudoomiyaha ka yahay Axmed Madoobe oo marka horaba ahaa mid ay Puntland soo dhoodhoobtay hadana looga fadhiyo in uu soo raaco Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed madaama marki horaba loo aqoon saday in uu yahay Gudoomiye gobol KMG ah hadana la dhisay Dowlad goboleedkii Koonfur Galbeed ee kor ka maamuli laheyd lexdaasi gobol sida nadaamka uu dhigayana ay tahay in uu hoos yimaado.
Shacabka Koonfur galbeed ee kacdoonka shacab kala hor yimid Madaxweyne xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqayay maanta hadaadan aqoon san maamulka 6 gobol adigana kuma aqoon sanni ee Xamar kaaga ku laawo, waxaa kaloo xusid mudan Dadka deegaanka Koonfur Galbeed iyo Odayaal dhaqan kooda waxey soo doorteen cid aqoonsi loo weydiisanaayo ama taageero majirto beesha caalamka iyo cidii kaloo daneyneysa arimaha deegaanada koonfur Galbeed ayaga ayaa ku qasban in ay taageero la yimaadaan.
Mar aan wax ka weydiinay qof ka mid ah Bananbaxiyaasha ku sugan magaalada Baydhabo arinta kasoo yeertay Puntland ayuu ku jawaabay waa Dameer yeeray wuxuu ku dhawaaqana kasoo qaadis male ee marka horaba in ay noocaas uyeeraan waxaan aheyn lagama fileyn ayuu yiri
Shacabka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay hogaanka maamulka Puntland arimaha ka socda Koonfur Galbeed in ay dhex dhexaad ka ahaadaan si aysan u abuurmin cadaawad dhex marta labada shacab ee Koonfur Galbeed iyo kan Puntland.
Idale News Online, Pintland.