Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Madoobe Nuunow Maxamed ayaa xalay kulan la qaatey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaarey waxa ay ka wada hadleen meesha uu maraayo wadahadalada ay kula jiraan Dowlada iyo Warsaxaafadeedkii Khaldanaa ee Wakiilka Gaarka ah ee QM Nickalos Kay uu siiyey Saxaafada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Pro. Maxamed Cismaan Jawaarey ayaa dadaal ugu jira sidii uu isugu soo dhoweynlahaa Xukuumada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale ku dhowaad 120 xildhibaan oo taageersan Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Madoobe Nuunow u balan qaadey inay la garab taagan yihiin Hiil iyo Hooba ayna ka goantahay inay meel mariyaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.