Maamulka K/Galbeed oo ka warbixiyay dagaal dhex Maray Al-shabab…

0
214

Idalenews-Kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Max’ed Xasan Fiqi ayaa cadeeyey in maamulkooda uu dagaalkaasi qeyb ka ahaa.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal gobolka Bokool ku dhexmaray maleeshiyada Alshabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dhanka kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegy in uu si toos ah uga qeyb qaatay dagaalkaasi oo ka dhacay gobolka Bokool, ayadoo ciidamo xoogan ay gaaren goobaha dagaalkaasi uu ka dhacay.

“Afar Joho ayay ku soo weerar tageen maleeshiyaadka Shabaab, dhinacyada, Gedo, Hiiraan, Bay marka Abuu Mansuur waa uu iska difaacay,dagaalkaasi koxda Shabaab 4 ilaa 5 gaari ayaa laaga gubay qasaare ayaa jira balse si rasmi ah looma xaqiijin karo”, Ayuu Yiri Max’ed Xasan Fiqi.

sidoo kale waxaa uu sheegay in ujeedka ay uga qeyb galeen dagaalkaasi uusan ahayn in ay difaacaan Abuu Mansuur Balse ay mas’uuliyad ka saran tahay difaaca shacabka ku sugan deegaanada lagu dagaalamayo.

Wuxuu sidoo kale xusay in uu jiray wada hadal u dhexeeya ayaga iyo Abuu Mansuur, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo wada hadalla furaysa maamulkoda islamarkaana kadib ay u gudbinayaan Dowladad Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan doonayna in ay Shababaab aysan awood u yeelanin in ay qabsadaan ama ay ka hor tagaan qofkasta oo nabadda iyo dib u heshiisiinta u soo dhawaada oo ayaga kamid ah, si qofkasta uu u helo fursad uu ku qaato nabadda”, Ayuu intaasi sii raaciyay ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa year degan inkastoo jawiga uu u muuqanayo in uu yahay jawi dagaal maadaam Alshabab ay isu so uruursadeen, Abuu Mansuurna difaac uu kujiro halka ciidamada maamulka Koonfur Galbeedka ay dhinac kale kaga soo qeyb qaadanayaan dagaalkaasi.