Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe oo diidey ka qeybgalka shirka Muqdisho oo ay dowlada federaalka ku baaqdey

0
170

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka soo horjeestay shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ee ay iclaamisay Xukuumada Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo 5-ta bishan October.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan u magacawday Gudi heer wasiiro ah oo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, isla markaana ay xubin ka yihiin wasiiro uu ka mid yahay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo saxiixay heshiiskii Addis Ababa ee Maamulka KMG ah ee Jubba.

jubaland

Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Jubba C/naasir Seeraar ayaa sheegay in shirka Muqdisho aanu quseyn, isla markaana heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay aanay ku jirin, isagoo xusay in shirkaas uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

“Heshiiskan dambe qodob dhahaya shir ayaa lagu qabanayaa Muqdisho ma jirto, raysal wasaaraha ayaa iclaamiyay, waa qodob aan ku jirinw aaye heshiiska Addis Ababa”ayuu yiri C/naasir Seeraar oo la hadlay BBC-da.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in Muqdisho ay tageen, isla markaana ay dowladda la kulmeen, salaadiintana ay is arkeen, ayna ku heshiiyeen wixii dhiman lagu qabto Kismaayo sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in gogosha ay ka fidsan tahay magaalada Kismaayo, isla markaana talada ay tahay in heshiiskii Addis Ababa fulintiisa laga wada qeyb qaato sidii loo fulin lahaa.

Shirweynaha Dib u heshiisiinta Jubooyinka oo kol hore uu ku dhawaaqay Madaxweynaha intii uu taagnaa khilaafkii Kismaayo ayaa heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay uu dhigayay in shir lagu qabto Muqdisho, kadibna shir kale lagu qabto Kismaayo, si loo sii xoojiyo heshiiska.

Lama oga saameynta uu ku yeelan karo heshiiskii Addis Ababa, diidmada qayaxan ee ka soo yeertay Maamulka KMG ah ee Jubba oo ah in aanay ka qeyb geli doonin shirka 5-ta bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Idale News Online