Afgooye(INO)-Iyadoo Xaalado Cakiran uu ku jiro Gobolka Shabellaha Hoose, isla markaana qaar ka mid ah degmooyinka iyo degaano ka tirsan gobolkaas ay daadsan yihiin isbaarooyin ay dhigteen qaar ka mid ah masuuliyiintii xilka looga soo xayuubey gobolka Banaadir ayaa hada waxa soo baxayo khilaaf xoogan oo u dhexeeyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo kan Degmada Afgooye oo dhinac ah iyo Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo doonayo lacago baad ah.
Warar Hoose oo ay heshey Shabakada Idale News Online,Ayaa cadeynaya in Gudoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag ee gobolka banaadir Jacfar isla markaana ka soojeeda Beesha Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud sidoo kalena isbaarooyin badan oo dad shacab ah lagu laayey u yaalaan gobolka Shabellaha hoose ayaa la wada qorshe cusub oo ay maleegayaan Wasiirada Cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaaliya kuwaasoo maamulka degmada Afgooye ay waydiisteen lacago Baad ah ma hadii kale ay bedeli doonaan.
Wasiiradad ilaa iyo haantan raadinayo baad lacageed iyo hanjbaaad joogto ah ku haayo maamulka degmada afgooye ee gobolka shabellaha hoose ayaa gaarayaan 4 wasiir, waxayna sheegeen in maamul cusub ay sameyn doonaan degmada Afgooye isla markaaana gudoomiye ay u dhigayaan nin ka soojeedo beesaha Murunsade oo laalus badan ay ka qaateen.
Wasiirada ku sugan degmada Afgooye isla marknaa raadinayaan Baad lacageed ayaa waxay kala Yihiin
- Axmad Sh. Xasan Fiqi
- C/laahi Cabdi Cumar (Buufle)
- C/Nasir Caruush
- Sheikh Xasan Ibraahim Lugbuur
Si kastaba ha ahaatee, degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose waxa ka jira maamulka sharci isla markaana oo ay soo magacowdey wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaaliya sidoo kalena Gudoomiyihu uu yahay dadka deegaanka.
Ugu Dambeyntii maalmihii ugu dambeeyey waxaa degmadaasi gaarey 4 wasiir oo lagu sheegey inay ka tirsan yihhin maamulka Koonfur galbeed soomaaliya isla markaana Dood iyo dacwad ay ula tageen maamulka degmada afgooye oo sharci ah, kuwaasoo sida la sheegeey gadaal ay ka soo riixayaan dagaal oogiyaal doonayo in ay la wareegaan maamulka degmada Afgooye ee gobolka shabellaha, isla markaana aan u dhalan Gobolka Shabellaha Hoose.
Idale News online, Afgooye