Maamulka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Dagaal ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo dhex maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlay Idaacada Kumiye ayaa sheegay in Dagaal ka dhacay Meel u dhaw Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ay Guulo ka gaareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
[audio:p://radiokulmiye.com/knn/wp-content/uploads/2014/06/Afrax.mp3?_=|autostart=yes]Mudane Afrax ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Guulo ka soo hooyeen Dagaalka ay la galeen Al-shabaab islamarkaana Dagaal yahano ka tirsan Al-shabaab Qaarna ay dileen kuwa kalana ay Qabteen.
Dhanka kale wax war ah kama soo bixin Dhadhaqaaqa Al-shabab oo ku aadan Dagaalka Maamulka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya uu Guulaha ka sheegtay.
Idale News Online, Baladweyne.