Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib loo soo celiyay isbaarooyinkii Muqdisho yaalay, iyadoo mar kale saameyn ku yeelatay gaadiidka badeecadaha ka qaada dekeda Muqdisho oo dhib ku qaba isbaarooyinkan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in Dekeda Muqdisho ilaa Ceel cadde ay yaalaan ilaa sagaal isbaaro, isagoo ku baaqay in kooxaha isbaariistayaasha loola dagaalamo sida Shabaab oo kale.
“Dekeda ilaa Ceel cade waxaa taala sagaal isbaaro, isbaariisataasha colaadooda kama yara mida shabaab ay ku hayaan magaaladan horumarkeeda iyo dhaqaalaheeda, waxaa loo baahan yahay in la iska qabto”ayuu yiri Tarsan.
Mr Tarsan ayaa sheegay in jidadka looga baxo magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, waxaana uu xusay in isbaarooyin ay yaalaan, isla markaana gaadiidka badeecadaha ka qaada dekeda ay ku adag tahay inay maraan
“Jidadkii ayay xireen, xaga waqooyi ilaa xaga baydhabo waa u bixi weyday, baydhabo, shabeelaha hoose ilaa shabeelaha dhexe ayay daadsan yihiin, badeecadihii ayay hor joogsadeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya horay u qaaday Isbaarooyinkii yaalay Muqdisho iyo duleedkeeda oo gaadiidleyda ay sheegeen inay si tartiib tartiib u soo laabanayaan.
Idalenews Mogadishu