Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), ayaa si xoogan u cambaareeyay qaraxii xalay lagu weeraray maqaaxida Panorama, iyadoo uu Shabaabku ku eedeeyay inay bilaabeen ugaarsi ka dhan ah maatida.
Afhayeenka oo Saxaafada kula hadlay Degmada Xamar Weyne, ayaa ku nuux-nuuxsaday in weerarada ceynkani oo kala ah ay muujinayaan sida ay Shabaabku ugu wiiqmeen dagaalada lagula jiro, isla-markaana ay beegsanayaan haweenka iyo caruurta.
Cali Seeko, ayaa waxa uu intaa ku daray inaan marnaba la joojin doonin dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ayna diyaar u yihiin in qaybtoodu ay ka qaataan.
Dhinaca kale Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyada weerarka ka dhacay Degmada Xamar Weyne, waxayna sheegeen inay ku beegsadeen maqaaxida Panorama oo ay fariistaan sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa ku goodiyay inaysan Magaalada Muqdisho ammaan ku jooggi doonin Saraakiisha Dowladda, xilli uu ku eedeeyay inay xabsiyada ka buuxiyeen Muslimiinta, sida uu yiri.
Bulshada Somaliyeed, ayaa argagax xoog leh ka muujisay weerarkii xalay oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray caruur yar yar.