Maamulka bacadlaha Xamarweyne oo furayaashii kala noqday ganacsato shuruudihii bacadlaha ku dhacay.

0
189

xamarMaamulka bacadlaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dad badan ka joojiyeen dukaamadii uga kireesnaa, kaddib markii ay ka soo bixi waayeen shuruudo ay horay ula galeen.

Madaxa bacadlaha suuqa Xamarweyne Cumar Cismaan ayaa sheegay in dadka ay furayaasha ka qaadeen ay yihiin kuwo aan wax ganacsi ah ku hayn meesha, isla markaana ay u arkaan inay xannibayaan hannaanka ganacsiga ee Suuqa.

Cumar Cismaan ayaa sheegay in mar hore ay digniin siiyeen dadka ay furayaasha ka qaadeen, balse ay digniintooda iska dhaga tireen.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo maamulka degmada Xamarweyne ayaa dhowr jeer oo hore warbaahinta kala hadlay dad dukaamo ka ijaartay suuqa Xamarweyne oo furayaashii la tagay, waxayna ka dalbadeen  in ay si degdeg ah u furtaan goobahooda ganacsi.

Idale News Muqdisho