Bulshada Soomaalida waxa ay dhaqamo badan la wadaagaan qaar ka mid ah qowmiyadaha kale ee qaaradda Afrika.
Inkastoo Soomaalidu ay rumeysan tahay in asal ahaan ay carab ka soo jeedaan, haddana qowmiyada kale oo aan carabta asal iyo farac ku la hayn ayaa soomaalida u muuqaal eg ama ay isku dhaqan yihiin.
Qabiilka Tutsiga oo dego dalalka Rwanda, Burundi iyo xudduudaha dalalka Uganda iyo Kongo isla markaana dad badan oo Soomaali ah ay u haystaan in asal ahaan ay ahaayeen dad Soomaali ah ayaa aad ugu dhaban eg Soomaalida,
waxaana sida uu warbixintaan ku eegaya weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele oo haatan ku sugan xarunta dalka Rwanda ee Kigali, mararka qaar dhacda in Soomaalida iyo Tutsiga la isku khaldo.
Xigasho: BBC.