Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayadoo Munaasabadda magacaabistana ay hada ka socoto xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay ka dambeyso wadatashi ballaaran islamarkaana uu ka ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha ayaa ka kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-
- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare – Hawiye/Xawaadle – (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane – Daarood/Ogaadeen
- Wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud – Mirifle/Sagaal/Jilible
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle – Dir/Gudabuursi
- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed – Hawiye/Habar Gidir/Sacad
- Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase – Daarood/leylkase
- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin (Yuusuf Baadiyoow) – Mirifle/Sideed/Laysaan
- Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed – Daarood/Majeerteen – (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, Beesha 5aad/Shiikaal/Reer Aw Xasan- (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday) – Isaaq/Habar Jeclo – (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow – Hawiye/Murarsade (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel – Daarood/Warsangali – (Naagtiisa ayaa ah Xildhibaanad Barlamaanka ka tirsan – xildhibaanad Luul Tahlil Warsame)
- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil – Beesha 5aad/Reer Shabeele
- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraahin Xaaji Aadan – Dir/Biyamaal
- Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed – Dirta Koonfureed/? (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali – Digil/Bagadi (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed – Dir/?
- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur “Saransoor”- Mirifle/Sagaal/Hadame/Gaaljeel (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan – Hawiye/Baadicade (Waa xildhibaanad Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye – Beesha 5aad/Madhibaan (Waa xildhibaanad Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow – Hawiye/Gaaljecel
- Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar – Daarood/Dhul bahante (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow – Digil/Jiido (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
- Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud – Beesha Shannaad/Carab Saalax.
- Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed – Dir/Cidigale – (Waa xildhibaan Barlamaanka ka tirsan)
Idale News Online