Waxaa maalmahaan dambe magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose ka socday qaban qaabadii ugu dambeeysay ee lagu doonaayay dhameestirka maamulka Jubaland, iyadoona aynu ogaanay beesha hadda noqon rabto gudoomiyaha barlamaanka maamulkaasi.
Maamulka Jubba ee uu hogaaminaayo Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa la sheegay inay qorsheynaayaan in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameystiraan dhismaha xukuumaad ka kooban 10 xubnood, iyo Afhayeenkii Barlamaanka Maamulka Jubba oo isaga sida aan xog muhiiim ah ku helnay sheegayaan inuu ka imaan doono beelaha Digil iyo iyo Mirifle, gaar ahaan beesha Mirifle maadaama madaxwewynaha laga dhigay Ogaadeen ku xigenkiisana Mareexaan.
Shir ka dhacey xarunta Jaamacada Kismaayo oo ergadii maamulkaas soo dhistey ay weli ku sugan yihiin ayaa shir u gaar ah beelaha Digil & Mirifle waxay halkaasi ku doorteen mid ka ah labadii musharax ee ka soo jeedey beelahaas oo lagu kala magacaabo, Siyaad Sheekh Omar oo isagu ka soo jeeda Beelaha Mirifleiyo musharax kale oo isaguna ka soo jeeda beesha Gare oo lagu magacaabo Feyloow.
Shaqsiga hadda ugu cad inuu qabto xilka afhayeenka barlamaanka Maamulka Jubba sida xogta Kismaayo aan ku helayno ayaa ah sarkaal ciidanka Booliiska ka tirsanaa oo magaciisa lagu sheegay Siyaad Sheekh Cumar, kaasoo shaley ergadii beelaha Digil& Mirifle ay ugu codeyeen goobta inuu yahay musharax ay ku mideysan yihiin halka musharaxii kale ee Feyloow oo sheegay inuusan ogolaaneyn codbixintii shaley dhacdey isla markaasna uu appeal ka qaadanaayo sida ay codeynta u dhacdey. Waxaana socda sidoo kale xubno kale oo xilkaasi doonaaya islamarkaana beeshaasi kasoo jeeda.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo ku soo noqdey ayaa waxa uu isagana ku dhawaaqi doonaa wasiirada maamulka Jubaland oo laga sugaayo.
Dhowaan ayay markii odayaal ka soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle oo shir wadatashi ku yeeshey magaalada Baydhabo sheegeen inay dhisayaan maamul ka kooban 6 gobol oo jubooyinka ka qeyb yihiin isla markaasna shirka Adis Ababa ee dowlada iyo Maamulak Jubaland ku sheegay in aan la aqbali karin ayaa waxaa gaashaanka u daruurey odayaasha kale ee digil iyo Mirifle ee jooga kismaayo oo sheegay iney iyagu ayidsan yihiin Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.
Idale News Online, Kismaayo.