Laba doomood oo qaad wada oo soo gaaray Xeebaha Muqdisho iyo khilaaf ka taagan, halkii laga dejin lahaa

0
175

Muqdisho(INO)- Ugu yaraan laba doomood oo wada qaadka laga keeno dalka Kenya, ayaa waxay goor dhow soo gaareen Xeebta Jazeera ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay ka soo qaadeen Xeebaha Magaalada Kismaayo.

Doomahan, ayaa waxaa la socda xubno ka mid ah haweenka qaadka keena Magaalada Kismaayo. Haweenka la socda doomahan waxaa laga tilmaami karaa Ubax Jaamac iyo Sahra Faarax, oo labaduba ka mid ah ganacsatada qaadka ee Magaalada Kismaayo.

Gaashaanle Cali Maxamed Nuur (Cali Cadde), Taliyaha Jazeera, ayaa waxaa uu ka horyimid in qaadkaasi laga soo dejiyo halkaasi, isagoo ka cararaaya in ciqaab uu kala kulmo Dowladda Somaliya.

Taliyaha, ayaa ganacsatada u sheegay inaysan qaadka ka soo dejin karin Jazeera, isla-markaana ay raadsadaan goobo kale oo rarka qaadkoodu ay kala deggaan.

Ganacsatadan, ayaa waxaa la soo sheegayaa haddii ay ka fursan waayaan inay doomaha u jiheen doonaan Dekeda Ceel Macaan, halkaasoo ay qorsheynayaan in ay kala deggaan, haddii aanay helin xal kale.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xeebta Jazeera, ayaa waxaa dhici karta in ay la wareegaan doomahaasi, haddii ganacsatadu xilli hore ka tagin halkaasi.

Maalintii saddexaad, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka soo degan diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya, ka dib markii Dowladda Somaliya ay ku dhawaaqday in si ku meel gaar ihi ay u joojisay.