Muqdisho(INO)-Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay si wada jir ah kulan uu albaabada u xirnaa ay la qaaten Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somalia Mohamed Al-Othmani.
Shirka oo ahaa Seddex geesood ayaa waxa ay Mas’uuliyiintaasi uga wada hadleen Amaanka, Xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira weerarada is xigxiga ay Mas’uuliyiinta Imaaraadka ka joogta Somalia kala kulmayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa marka hore Danjiraha uga warbixiyay xaalada guud ee Somalia iyo weerarada ay Al-shabaa ku hayaan dalalka garabtaagan Somalia, waxa ayna u sheegen Safiirka in weerarkii lagu qaaday uu qeyb ka yahay duulaanka ay Maleeshiyada ku ugaarsanayaan Dowladaha saaxiibada la ah Somalia.
Intaa kadib Danjire Mohamed Al-Othmani ayaa Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ka dalbaday in loo kordhiyo Ciidamada ka howlgalaaya Xarumaha Imaaraadka ay ku leedahay Somalia, waxa uuna sidoo kale ku wargaliyay in Safaaradu ay qorsheyneyso inay la imaado ciidamo dheeri ah oo ka socda dalka Imaaraadka kuwaasi oo lagu biirin doono kuwa iminka ka howlgala Safaarada iyo Xarumaha kale.
Mohamed Al-Othmani ayaa Labada Mas’uul u sheegay inay u danqanayaan dhibta soo gaarta Ciidamada Dowlada Somalia, taasi bedelkeeduna ay ka doorbidayaan in qorshayaasha ay maleegayaan Al-shabaaab uu iyaga ku ekaado, maadaama uu yiri ay lid ku yihiin amaanka iyo xasiloonida dalka Somalia.
Sidoo kale, Mohamed Al-Othmani waxa uu Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha u sheegay inay dusha saaran doonaan mas’uuliyada iyo nolosha Ciidamada Militeriga ee ka howlga Safaarada iyo Xarumaha kale, maadaama ay dusha u dhiganayaan dhibta lala damacsan yahay Diblumaasiyiinta Imaaraadka ka jooga Somalia.
Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa soo dhaweeyay go’aanka geesinimadu ay ku dheehan tahay oo uu qaatay Danjire Mohamed Al-Othmani.
Dhanka kale, Kulanka ayaa waxa isku weydaarsadeen su’aalo iyo arrimo kale oo xasaasi ah inkastoo xoghoose aysan helin Macluumaad intaa kabadan balse ay Mas’uuliyiintaasi isla arkeen qodobo muhiim ah.
Idale News Online, Muqdisho