Kulankii Barlamaanka ee maantaoo Ra’iisul Wasaare Saacid looga codsadey inuu codka kalsoonida weydiisto Barlamaanka

0
189

Kulan Baarlamaanka Soomaaliya goor dhow uga soo gaba gaboobay Xarunta Golaha shacabka ayaa laga jeediyay inuu horyaalo mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya, oo shalay si rasmi ah loogu gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka.

Mooshinka ayaa la sheegay in maalinta berri loo qeybin doono mudanayaasha baarlamaanka nuqulada, inkastoo Gudoonka baarlamaanka aanu si rasmi ah u sheegin in Xukuumada loo yeerayo iyo in kale.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa maanta fadhiga baarlamaanka ka sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu soo weydiisto codka kalsoonida, hadii uu waayana meesha isaga tago, hadii uu helana uu sii shaqeeyo.

Mooshinkan ka dhanka ah Xukuumada ayaa waxaa saxiixay in ka badan 90-xildhibaan, oo maalmihii u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho olole xoogan oo ka dhan ahaa Ra’iisul Wasaare Saacid.

Kulanka baarlamaanka ayaa markii hore waxaa shir gudoominayay Prof, Jawaari oo uga warbixiyay mudanayaasha safarkii uu Turkiga ku tagay, waxaana markii dambe shir gudoonka la wareegay Gudoomiye kuxigeenka labaad.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Axmed Cawad ayaa ka sheegay fadhiga Baarlamaanka in Ra’iisul Wasaaraha ka yaalo mooshin ka dhan, isagoo xusay hab waafaqsan sharciga ay uga keeneen Xukuumada mooshinka, maadaama ay buuxiyeen qodobka 75aad.

Si kastaba ha ahaatee kulanka baarlamaanka ayaa markii dambe ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo mudanayaasha qaar ay dhoola cadeynayeen markii uu Gudoomiye kuxigeenka ku dhawaaqay mooshinka