Kulan Mogadishu ku dhaxmarey ku xigeenka Ban ki-moon iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

0
195

Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, si uu u muujiyo taageeradiisa, kadib markii dhowaan la weeraray xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kuxigeenka Ban Ki-moon ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo wada hadalo kadib ay shir jaraa’id u qabteen warbaahinta.
Mr Feltman ayaa sheegay inay sii wadayaa taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in aysan marnaba ilaabi doonin shaqaalihii ku dhintay Xarunta UNDP, isla markaana aanu weerarkaas hakin doonin go’aankooda ku aadan sii wadida howsha ay ka hayaan Soomaaliya.
“Waxaan weligeena laabta iyo maanka ku hayn doonaa xusuusta shaqaalaheena ee lagu dilay weerarkan naxariis darrada ah, waxayna xusuustan xoojin doontaa go’aankeena anagoo sii wadayna hawsha muhimka ah ee aan ka hayno Soomaaliya Qaramada Midoobay lama cabsin doono, waxaana naga go’an inaan joogno oo aan la wada shaqeyno dadka Soomaaliyeed si ay u gaaraan mustaqbal ifaya oo wacan ee ka dhasha dalkooda” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud Feltman.
Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca Siyaasada ayaa sidoo kale u mahadcveliyay shaqaalaha Qaramada Midoobey oo uu sheegay inay si geesinimo ugu howl galayaan Soomaaliya sida uu yiri
“Qaramada Midoobay waxay halkan u joogtaa inay dalka kaalmeyso ayna u fidiso taageer muhim ah, isagoo hadda maraya xilligii ugu fiicnaa ee soo mara 20kii sanno ee la soo dhaafay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Feltman.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay soo dhoweyneyso booqashada Mr Feltman, isagoo xusay inay muujineyso garab istaaga Qaramada Midoobey. “Dowladdu aad bey u soo dhoweyneysaa booqashadan Mr Feltman oo macno weyn ku fadhisa, tani waxay na tusineysana is-garab istaaga QM ay garab taagan yihiin ka dib ficilkii 19ka Juun ka dhacay xafiiska QM ee Muqdisho. Ujeedada Al-Shabaab ayaa ahaa inay argagax geliyaan shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha QM oo u yimid Soomaaliya inay shacabka saacidaan. Hase ahaatee, booqashadan maanta ee mas’uulka ugu sareeya siyaasadda QM ee Jeffrey Feltman waa calaamad xoogan oo tusaysa taageerada shacabka iyo inay tusto in kooxaha Al-Shabaab aysan marnaba gaari karin ujeedooyinkooda ah inay argagaxiyaan shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Feltham booqashiisa gaarka ah ee uu ku yimid Muqdisho, oo ah tii labaad sanadkan gudihiisa iyo taageerada aan kala go’a leheyn ee QM u fidiso shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Feltman horumarka Dowladda ee dhanka siyaasadda, amniga, hay’adda cusub ee UNSOM iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ka hadlayey weerarkii usbuucii hore lagu qaaday xarunta QM ayaa yiri “Qaraxii iyo weerarkii loo geystay xarunta QM 19kii June 2013 waxuu na tusayaa sida ay Al-Shabaab uga go’antahay inay shacabka iyo dadka aan waxgalabsanba u laayaan, hase ahaatee waan ku sii xoogoobeynaa waana ku midoobeynaa inaan sii wadno la dagaalanka kooxaha argagaxisada. Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya ayaa si deg-deg ah oo profeshan ah u soo gurmaday badbaadiyeyna nolol badan. Hase ahaatee waxaan weli u baahannahay kaalmada caalamiga ah si aan dib-ugu dhisno hay’adaha amniga oo aan amnigii iyo kala-danbeyntii dalka ugu soo celino.

 
 
 idale News Online Mogadishu