Warar Maanta Warbaahinta KG soomaaliya ay si hoose u heshay ayaa sheegayaa in Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed uu shalay kulan gaar ah la qaatay danjirayaasha Dowladaha Ingiriiska iyo Itoobiya u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaa Madaxweyne Madoobe Nuunow kala qayb galay kulanka Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.
Waxa si qoto dheer loo falan qeeyey arrimo badan oo khuseeyay Koonfur Galbeed iyo wada hadalada u socda Dowlada Muqdisho iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay qodob ay isku mari la yihiin Dowlada Muqdisho iyo Dowlada Koonfur Galbeed, kaa oo inoo suuragelin inaan si rasmi ah u ogaano.
Danjireyaasha Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa si weyn uga codsaday Madaxda Koonfur Galbeed in laga heshiiyo qodobka la isku mari la’yahayay.
Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed ayaa kulanka ka sheegay in Koonfur Galbeed ay jeceshahay in khilaaf kasta oo jira xal laga gaaro, ayna xaq u leeyihiin inay diidaan wax walba oo aan ku qorneyn Dastuurka Federaalka iyo midka Koonfur Galbeed maadaama uu dalku ku dhisan yahay nidaam federaal ah.
Kulanka oo ahaa mid si hoose u dhexmaray Madaxda Koonfur Galbeed iyo Safiirada Dowladaha Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa ku dhamaaday si wanaagsan oo is afagarad ku jiray.
Waa kulankii ugu horeeyey ee dhexmara Madaxda Koonfur Galbeed iyo Danjireyaal metalaya dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya.
Idale News Online, Muqdisho.