Kooxda QM u qaabilsan kormeerka Soomaaliya oo warbixin cusub soo saartay

0
172

Washington(INO)—Warbixin ay soo saartay guddiga kormeerka Qaramada Midoobey ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa loogaga hadlay arrimo kala gedisan oo ku saabsan siyaasada dalka Soomaaliya, Al-Shabaab iyo dhismaha ciidamada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale warbixintan ayaa xoogga lagu saaray saddex arrimood oo ay ka mid yihiin hirgelin la’aanta doorashadii qof iyo cod ee la filayay inay ka dhacdo dalka Soomaaliya September 2016,dhamaystirka Maamul goboleedyada iyo arrimaha dastuurka.

Warbixintan ayaa markale ku celisay sidii sanadihii hore in ururka Alshabaab uu weli qatar ku yahay dalka Soomaaliya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliyana aysan ku guuleysan in ay ka tirtiraan dalka dagaalyahanada ururka Alshabaab.

Weeraro isugu jira kuwo lagu qaaday hotelo,saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen dalka iyo dilal qorsheysan ayaa lagu soo hadal qaaday warbxiintan.

Kooxdan ayaa xustay in ciidamada dalka Soomaaliya uu ka dhex jiro is dhex yaac iyadoo uusan jirin tirokoob sax ah oo ah dhinaca ciidamada, waxayna warbixinta shaki gelisay qaabka loo siiyo mushaaraadka iyo saadka kale ee ay ciidamada ubaahan yahay iyadoo ku dhaliishay xukuumada inaysan si wanaagsan u hirgelin howlihii ciidamada ee laga filayay taasna ay sababtay in deegaano badan oo hore Alshabaab looga saaray inay dib ugu soo laabtaan.

Hase yeeshee warbixintan ayaa lagu amaanay xakamaynta dhoofinta dhuxusha taasoo ay ku tilmaantay horumar wanaagsan. Sidoo kale dowlada Federalka gaar ahaan Wasaarada Batroolka iyo kheyraadka ayay warbixintan ku amaantay qorshaha wanaagsan ee ay u dejisay sidii loogaga baari lahaa dalka Soomaaliya shidaalka heshiisyana ay la gaartay shirkado.