Koonfur Galbeed Oo Guul Daro Murugo Leh Ka Raacday Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0
170

Muqdisho(INO)- Madasha Hoggaanka Qaran shirkii uga socdey magaalada Muqdisho ee furmey 6 Sebtember ayaa la isku waafqey dhamaan qodobadii la isku hayey, qodobada ugu daran ayaa ahaa:

Aqalka Sare, Oday dhaqameedyada qaarkood oo muran ka taagnaa, Qaabka loo sugaya qoondada haweenka 30%, Dhaqaalaha ku baxaya doorashada, Amniga goobaha doorashadu ka dhacayaa Iyo Guddiga xalinta khilaafaadka

Aqalka Sare ayaa la isku waafey in loo daayo sida dastuurku qabo oo ah 54 xubnood oo aaney jiri doonin xubno dheeraad ah oo lagu daro, waxaana lagu saleeyey go’aamadii ka soo baxay shirkii madasha ee bishii April 12, kaas oo dhigaayey in Dowlad Goboleedyadu helayaan midkiiba 8 xubnood, marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo la siiyey midkiiba 11 xubnood.

Sidoo kale War-murtiyeedka ka soo baxay Madasha Qaranka ayaa lagu aqoonsadey Ugaaska Beesha Xawaadle dhawaan caleema saartey waxaana lagu daray 135 oday iyada oo la beddeley magicii markii hore ku soo baxay odoyaasha dhaqanka waxaana lagu yiri war murtiyeedka: Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha Xawaadle uga jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135 ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas.

Dhanka beelaha kuraasta leh ee aan cidi ugu jirin oday dhaqameedyada ayaa lagu yiri War murtiyeedka:

Beelaha kuraas ku leh Baarlamaanka Federaalka aanse Oday ku laheyn Odey dhaqameedyada 135-ta oo ay 2012 kuraastoodu u saxiixeen odayaal dhaqameed beelo kale ah, kursigaas ergooyinkisa waxaa qoraaya odaygi kursigaas hore u saxiixay, asagoo wada tashi buuxa la samaynaya odayaasha beesha kursiga xaqa u leh, ayadoo Maamulka Dawlad Goboleedka  iyo Guddiga GDGHDD ay xaqiijinayaan.

Madashu Hoggaanka Qaranka ayaa waxay ansixisaeeny waajibaadka iyo awoodaha  Guddiiga Xallinta khilaafaadka, waxaana isla markaas la dhisay lana ansixiyey xubnaha Guddiga, inkasta oo saxaafaddu aysan weli helin magacyada guddiga.

Qoonada Haweenka ee ahayd 30% mar ayaa Madasha Hoggaanka Qaranku isku waafaqdey sidan: Beeshii Golaha Shacabka ku leh sadax (3) kursi waa in uu midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ku tartamaan:

Dhanka Xiliyada Doorashada ayaan waxba laga beddelin, waxaana Madashu sheegtey in doorashada lagu casumi doono, hay’ado iyo Dowladdo kale si ay goobjoog uga noqdaan qaabka doorashadu u dhacdey.

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Talaada ah ama Arbacada si rasmi ah loo shaaciyo War murtiyeedka oo saxaafadda soo gaarey ka hor inta aysan Madaxdu shaacin.

Ugu dambeyntii, Cadaalad darada lagu qeybsaday Xubnaha Gollaha Aqalka sare ayaa waxay guusha ku raacday Beelaha Daarood iyo Hawiye oo kala helay min 19 Xubnood iyo 16 halka Digil Iyo Mirifle la siiyay 8 Xubnood taasoo u muuqata mid kamid ah Guul darooyinka Digil iyo Mirifle Sanooyinkan danbe soo wajahaya.