Kismaayo: Ciidamadii Kuwada Dagaalamey Kismaayo oo La Sheegay Inaysan Hub beeleed Uwada Dagaalamin.

0
173

Masuuliyiinta maamulka gobolka Jubbada Hoose ee maamulka KMG ee Jubba ayaa shaaca ka qaaday in dagaalo shalay ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo aysan u dhaxeynin ciidamo u kala saftay labo beelood oo daga gobolkaasi.



Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubba C/rashiid Cabdulaahi Gooni oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaalkaasi uusan u dhaxeyso beelo halkaasi ku sugan.Wuxuu sheegay in maamulka Jubba uusan ku dhisneyn hal beel oo kaliya laakiin ay ka kooban yihiin dhinacyada kala duwan ee daga gobolkaasi Jubada Hoose, laakiin ay jiri karaan shaqsiyaad dagaalo qabaa’il ku saleysan abuuri kara oo maamulkooda ku dhex jira.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose C/rashiid Gooni ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay ka dambeeyaan dagaalkii maalintii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu sheegay inay taasi u sababeynayaan qorshe Alshabab ay dajisay oo ay ka warheleen oo ah inay weeraraan magaalada Kismaayo iyo deegaanada dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Kismaayo waxaa shalay gelinkii hore ka bilowday dagaal markii sii hore ka dhashay dil askari uu ka geystay bartamaha magaalada Kismaayo, sida aan xogta dagaalka ku helayno.

Ciidanka-Jubba
Idale News Online, Kismayo.