Siyaad Sheekh Cumar Sheikh Daahir oo ka mid ahaa musharaxiintii maamulka Koonfur Galbeed ee 3da Gobol ee Bay, Bakool, iyo Shabeelaha Hoose, kana mid ahaa guddigii Farsamada ee Maamul u sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilkii uu ka haayey maamulkaasi ee Afhayeenka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iska casiley isagoona xusay arrimo badan oo ku kalifay in uu go’aankaasi qaato.
Afhayeenka ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey in uu Shariif Xasan Sheikh Aadan ku xadgudbey Dastuurka u yaala Maamulkaasi, iyo inuu ku mashquulsan yahay khilaafyada joogtada ah ee dowlada federaalka ka dhex aloosan iyo sidoo kale abuurista colaad beelaha dega Koonfur Galbeed dhexdooda ah si uu danihii gaarka ah ugu gaaro.
Siyaad Sheikh Daahir oo ka hadlaayey qodobada Dastuurka oo uu Shariif Xasan ku tuntay ayaa sheegay in uu diiday:-
1. In la magacaabo Madaxweyne ku xigeenka 1aad & 2aad ee maamulka Koonfur Galbeed ka hor inta aan la magacaabin Gole Wasiiro oo uu maamulkaasi yeesho, hase ahaatee arrintaasi aysan dhicin, Shariifkuna u diiday danihiisa gaarka ah awgii.
2. In uu diiday in la dhiso golaha barlamaanka maamulka Koonfur Galbeed muddo 45 cisho gudahood, kaasoo ka bilaabaanaayey markii la doortey madaxweynaha Dowlad Goboleedka KG. hase ahaatee qodobkaasi ayuu waxba ka soo qaadin isagoo cabsi ka qaba in la xisaabtan yimaado.
3. In uu si khaldan u maamuley una dhisay gole wasiiro oo ka kooban 29 xubnood, kuwaasoo aan ku saleysaneyn xaqiiqda dhabta ah ee gobolada Bay, Bakool, iyo shabeelaha Hoose.
4. In uu hurinaayo colaad beelaha leh gobalada Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose iyo deegaan wadaagtooda ay iska hor imaadaad gobolka.
Afhayeenka Maamulka KG Somalia Siyaad Sheikh Daahir ayaa sheegay in marar badan isaga iyo masuuliyiin kale oo maamulka ka tirsan ay la hadleen Shariif Xasan inuu raaco nidaamka iyo Sharuucda u degsan maamulkaasi hase ahaatee waxuu sheegay inuu dantiisa gaarka ah ka door bidey inuu ku shaqeeyo dastuurka u yaala dowlad Goboleedka KG Somalia.
Sidoo kale mid ka mid ah masuuliyiinta Maamulkaasi isla markaasna ka mid ahaa gudigii farsamada ee maamul u sameynta Koonfur Galbeed Somalia, C/Qaadir Dhagacade oo ayaa isuguna sheegay in Shariif Xasan Sh Aadan uu ku howlan yahay qorshe la doonaayo in maamulkaas loogu gacan geliyo dad gaar ah oo saaxiibo yihiin oo aan deegaanka KG ka soo jeedin, Waxuuna Dhagacade sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in la afduubo masiirka dadka & deegaanka KG Somalia.
Shariif Xasan Sheikh Aadan oo tan iy Carta ku soo jiray siyaasada Dalka Somalia, ayaa u muuqda in dadka Soomaaliyeed ay quus ka joogaan siyaasadiisa ku saleysan daneysiga iyo iska horkeenida ummada Soomaaliyeed. Waxaana hadda deegaanada Koonfur Galbeed Somalia iyo wakiilada beesha Caalamka ka soo wajaheysa culeyso siyaasadeed oo suurtogal tahay in xil ka qaadis degdeg ah lagu sameeyo maadaamo uu ku lug yeeshey arrimo badan oo beesha caalamku ka digeen.
Idale News Muqdisho