Cadaado(INO)- Magaalada Cadaado waxaa laga soo saaray warqad ay ku xusanyihiin magacyada laba kamid ah xubnaha Guddiga doorashada Federalka ugu xilsaarteen Deegaanada Galmudug taas oo lagu diidanyahay Warqada Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Dalka.
Qoraalka oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa waxaa lagu sheegay in si Cadaalad ah ay ku dhacday doorashadii Shalay ee Cadaado taas oo lagu doortay Maxamed Axmed Abtidoon oo noqday Xildhibaanka 29aad ee Galmudug ku yeelato Baarlamaanka Somaliya.
Kursiga abtidoon ayaa sida qorshuhu ahaa waxey eheyd iney ku tartamaan oo kaliya Haween, balse taas ma dhicin waxaana ku tartamay Musharixiin siugu jirtay rag iyo dumar.
Qoraalka oo ay ku xusnaayeen Magacyada Yaasiin Cabdi Jaamac oo ah Xoghayaha Guddiga doorashad dadban iyo C/llaahi Salaad Yaroow oo isna Guddiga uqaabilsan qorsheynta iyo howlgalinta Guddiga doorashooyinka Dalka ayaa lagu soo bandhigay qodobo ay ucuskadeen inuu Sax ahaa sidii ay ku dhacday doorashadii shalay iyo musharixiintaba.
Waxey sheegeen inaan xiligan loo baahneyn in doorasho si cadaalad ah udhacday dood lagaliyo iyagoona baaq ujeediyay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Cumar Dhageey.
Si kastaba waxaa durbaba soo ifbaxay khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay guddiga doorashooyinka dalka taas oo laga cabsi qabo ineyba hakiso gabi ahaanba doorashada hada ka socoto Magaalada Cadaado.
Saraakiil kamid ah madaxtooyada Galmudug ayaa soo sheegaya in hada uu socdo kulan ay ALbaabada uxiranyihiin oo ay wada qaadanayaan Madaxweynaha Galmudug iyo guddiyada doorashooyinka heer federal iyo Dowlad Goboleed waxaana laga xaajoonaya kursiga Abtidoon oo dood xoogan xiligan dhaliyay.