Kismaayo(INO)-Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhextaagan yahay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Siyaasiga Iftiin Xasan Baasto oo kamid ahaa Siyaasiyiinta taabacsanaa garabka Col. Barre Hiiraale.
Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu dhashay kadib markii Axmed Madoobe uu isku dayay inuu hub ka dhigis ku sameeyo Ciidamo gaar ah oo uu wato Iftiin Xasan Baasto waxa ayna taasi keentay Khilaaf salka ku hayo awood sheegaso.
Iftin ayaa isaga horay looga qaaday hub farabadan uu heystay, waxaana iminka xiga dadaalada lagu doonayo in Iftin looga qaado hubka ku harsan.
Mid kamid ah Saraakiisha Jubba ayaa inoo xaqiijiyay in meel xun uu maraayo Khilaafka waxa uuna intaa hadalkiisa ku daray inay suuragal tahay in Ciidamada labada Mas’uul uu dhexmaro isku dhac.
Sargaalkaani ayaa ka digay in Ciidamada kala taabacsan labada dhinac ay mar kale ku dul dagaalamaan shacabka.
Idale News Online, Kismaayo