Kheyre oo si kulal ula hadlay Taliyaha & Saraakiisha Booliska

0
176

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyayaal kale oo ka tirsan Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Gobolka.

Waxaa diirada lagu saaray kulanka arrimaha amniga la xiriira iyo qorshayaasha suggida ammaanka, waxaana khudbado kooban ka jeediyay Ra’isul wasaaraha iyo Taliyaha ciidamada Booliska.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre, ayaa goobta ka sheegay in dhibta ugu weyn ee heysta shacabka ay tahay sida qof waliba uu uga fakaraayo amnigiisa.