Kenya oo sheegtay in wada hadalo la fureyso Ururka Al Shabaab

0
212

Nairobi(INO)-Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya diyaar u tahay wada hadalo, ay la furto Ururka Al Shabaab.

Aadan Barre Ducaale oo sidoo kale ah Xildhibaan Baarlamaanka Kenya ka tirsan, ayaa yiri “Kenya bannaanka halaga maro, meeshaad joogtan soo sheega waxaan diyaar u nahay inaan idinla hadalno. Hadaad rabtaan waxaan idin soo direynaa odayaal, hadaad rabtaan siyaasiyiinta ayaa idin soo direynaa.”

Hogaamiyaha oo boqolaal ruux kula hadlay meel fagaare ah, ayaa wuxuu Shabaabka u soo jeediyay inay nabadgeliyaan Magaalooyinka Garissa, Wajeer, Mandheera iyo xaafada Somalida Nairobi ku badan tahay ee Islii.

“Garissa, Wajeer, Mandheera iyo Islii noo badbaadiya, dhaqaala ahaan meel wanaagsan ayaan ka joognaa Kenya. Dadka aad leyneysan waa Soomaali, arrinkaa diin maaha. Shalay waxaad dili rabteen Gudoomiyaha Degmada Mandheera oo nin Soomaali Muslim ah.” Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Waxa sidoo kale uu ku baaqay in faraha laga qaado Magaalada Nairobi iyo gebi ahaanba dalka Kenya, iyana ay wada hadalo la geli doonaan, sida uu yiri.

“Kenya faraha halaga qaado, Nairobi faraha halaga qaado, wada hadalo ayaan idinla fureynaa.” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Aadan Barre Ducaale

Hadalka ka soo yeeray Ducaale, ayaa ku soo beegmaya xilli Shabaabku ay Jimcihii halis geliyeen nolosha Gudoomiyaha Degmada Mandheera Ali Roba, iyagoo gaadiid uu la socday ku weeraray wadada u dhaxeyso Degmooyinka Mandheera iyo Ceelwaaq, gaar ahaan deegaanka Carabiya oo 30km u jirta Mandheera.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ku hanjabay inaysan nabad heli doonin bulshada reer Kenya, ilaama Ciidamada Militariga Kenya laga saarayo Gobolada Koonfureed Somaliya.

Idale News Online, Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here