Kenya oo ka walaacsan Ardayda ku biireysa Ururka Daacish

0
175

Nairobi ( INO)-Dowladda Kenya ayaa si aad ah uga walaacsan tirada Ardeyda wax ka barta Jaamacadaha dalka Kenya ee ku biira Ururada Argagixisada gaar ahaan ururka Daacish.

Guddiga Jaamacadaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 44  qof oo ka mid ah Ardeyda jaamadaha Kenya ay waxbarashadoodi ugu tageen in ay ku biiraan Ururka Daacish ee Libya iyo Somalia.

Dowladda ayaa si aad ah ugu cabsi qabta halista dhalinyarada barta caafimaadka kadib markii dhawaan Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen labo Arday  oo sida la sheegay la shaqeynayey  Daacishta Somalia.

Dowladda Maraykanka ayaa Arbacadii la soo dhaafay Liiska Kooxaha Argagixisada ah ku dartay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha Daacish ee Bariga Africa islamarkaan haystay Dhalasho Maraykan ah.

Kenya ayaa waxaa si weyn ula dhibaateysantahay weeraro xoogan oo gudaha dalkeeda ay ka gaystaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab,waxaana Kenya ay hada wadaa qorsho ay dooneyso in kaga hortagto weeraro laga cabsi qabo Daacishta Somalia in ay ka fuliyaan Kenya.