Nairobi(INO)- Dowladda Kenya, ayaa waxay muddo lix bilood dib u dhigtay xilligii ay shaacisay inay ku xiri doonto xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.
Kenya, ayaa 11-kii bishii May ku dhawaaqday inay albaabada isugu laabi doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, kolka la gaaro daba yaaqada bishan November.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa sheegay in xiritaanka xeryaha Dhadhaab dib loo dhigay, illaa iyo 31-ka bisha May ee sanadka soo socda.
Wasiirka, ayaa sheegay in bisha soo socota ee December la kala saari doono dadka qaxootiga ah iyo dadka kale aan qaxootiga ahayn, balse iska diiwaangeliyay xeryaha Dhadhaab, haystana dhalashada Kenya.
Wasiirka, ayaa intaa ku daray in bisha January ay raadin doonaan, haddii ay jiraan dalal kale oo doonaya inay qaabilaan qaar ka mid ah qaxootiga Somaliyeed.
Kolka la gaaro bisha May, ayuu sheegay inay dib u celin doonaan tirada qaxootiga, ee ku soo harta Dhadhaab. Waxaa uu intaa raaciyay in markasta uu albaabka u furan yahay qaxootiga sida iskooda u doonaya inay dib ugu noqdaan Somaliya.
Hadalka ka soo yeeray Kenya, ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib, markii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ay sheegtay in Kenya ay si khasab lihi ku celinayso qaxootiga Somaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab.