Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan wax cabsi ah ku heynin hajabaadyada isasa soo taraya ee ka soo yeeraya saraakiisha Xarakada Aal-shabaab, waxayna Kenya sheegtay inay qorsheynayso sidii ay ciidamo dheeraad ah u keeni laheyd gudaha dalka Soomaliya.
Afhayeenka ciidamada militeriga Kenya Col Aguro oo ka hadlayey xaflad loogu dabaal degayey sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay markii ay ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay soo kordhin doonaan ciidamadooda jooga gudaha dalka Soaomaaliya.
Afhayeenka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in Kenya ay qorsheynayso inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in iska daaye inay ciidamadooda la baxaana ay hadda wadaan qorshe ay ciidamo kale ku keenayaan gudaha dalka Soomaaliya.
“Inta ay dowladda Soomaaliya ka maarmeyso ciidamada shisheeye ee taageeraya ciidamadeenu way sii joogi-doonaan, waxaana hadda qorsheynaynaa sidii aan ciidamo dheeraad ah ugu diri laheyn Soomaaliya, sidoo kale waxaan idiin sheegayaa inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inaan ciidamadeed kala baxeyno Soomaaliya” ayuu yiri afhayeenka ciidamada militeriga dowladda Kenya.
Idale News Muqdisho