Nairobi(INO)-Joseph Nkaissery oo dhawaantan uu madaxweynaha dalka Kenya u magacaaway Wasiirka arimmaha gudaha iyo Amniga dalkaas ayaa sheegay in uu wax weyn ka qabadan doono Amaan xumada dalka Kenya.
Wasiirka oo arimaha Amaanka dalkaas ka hadlayay ayaa sidoo kale sheegay in arimmaha Amaanka dalkaas uu kaga amar qaadan doono Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.
Dhawaantan ayeey aheyd markii uu madaxweynaha dalka Kenya xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii hore ee arimmaha gudaha dalkaas, kadib markii ay kordheen weerarada ay Al-shabaab ka fulinayaan dalkaas ee kadhanka ahaa Shacabka Kenyanka ah, kuwaas oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 601-qofood.