Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay magaalada Muqdisho sida arxandarada ah ugu xasuuqeen kooxaha nabad-diidka ee sida khaldan diinta Islaamka ugu gambanaya.
Madaxweynaha oo magaalada Sharm El Sheikh uga qeybgalaya shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in argagixisada oo ku jira xaalad naf la caari iyo quus ah, ay isku dayayaan inay niyad jebiyaan shacabka Soomaaliyeed ee u soo jeestey dib u dhiska waddankooda iyo nabadeynta.
‘’Inna Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waa fal cadowtinimo oo aad u fool xun oo argagixisada ay mar kale ka geysteen caasimadda. Hotel Maka al Mukarama ma ahan goob ciidan iyo xarun dowladeed toona, waxaana tani ay daliil u tahay in argagixisada ay cadaawad u qabaan shacabka. Weerarkanna ma ahan mid cadowga uu ku joojin karo dadaalka dowladda’’.
Madaxweynaha ayaa si weyn u bogaadiyey ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed sida geesinimada leh ee ay u soo afjareen falkaasi argagixisonimo, isagoo dhinaca kalena balanqaadey in dowladda ay si degdeg ah wax ugu qaban doonto dadkii ku dhaawacmey weerarkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale farey ciidammada amniga inay si adag u sugaan amniga hoteelada, xarrumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah, si looga hortago weeraro kale oo cadowga ku waxyeeleynayo shacabka.
‘’Waa naga go’an tahay inaan burburino kooxahan sharta ah ee diinta ka been sheegaya ee sii baaba’aya, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan dhameystirka hawsha aan ku ciribtireyno cadowga’’, ayuu yiri madaxweynaha.